2112 Views

Al-Shabaab oo la wareegay degaanka Goofguduud Buureey

Al-Shabaab oo la wareegay degaanka Goofguduud Buureey
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 01, 2018 —Warrarka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in xalay ciidamo ka tirsan  Al-Shabaab ay qabsadeen tuulada Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca wadada aada degmada Waajid.

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay Abaare 11:00 Habeenimo la wareegay gacan ku heynta degaankaasi oo bilihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Wariyaha Risaala ee gobolka Baay ayaa kusoo waramaya in Saaka Barqadii ay dib uga baxeen Al-Shabaab degaankaasi ka dib Saacaddo ay gacanta ku haayeen .

Ciidamada Ammaanka dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa dib ugu laabtay degaankaasi oo muhiim u ah dhanka Ciidamada ka howlgallada gobolka Baay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment