993 Views

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kulan gaar ah yeeshay

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kulan gaar ah yeeshay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 12  2020–Waxaa xalay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulan gaar ah ku yeeshay madaxda Dowlad Goboleedyada oo uu shirka uga socdo halkaas, iyaga oo kaga hadlay arrimo dhowr ah.

Madaxda Dowlad goboleedyada, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa shirkooda gaarka ahaa waxaa ay kaga hadlen arrimo la xiriira xaalada siyaasadeed ee dalka.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa sheegay in kulanka gaarka ah ay madaxa uga hadleen arrimaha doorashoyinka dalka guud ahaan xaalada siyaasadeede eedalka iyo sida looga gudbi lahaa is marin waaga siyaasadeed ee Soomaaliya kajira.

Shirar gaar gaar ah ayaa sidoo kale la filayaa inay yeeshaan madaxda Dowald goboleedyada ilaa iyo ita uu kasoo geba-gaboobayo shirka uga socdo Magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post