774 Views

Madaxweyne Biden iyo Kuxigeenkiisa Kamala Harris oo Taleefanka ka wacay qoyska George Floyd Xukunkii kadib

Madaxweyne Biden iyo Kuxigeenkiisa Kamala Harris  oo Taleefanka ka wacay qoyska George Floyd Xukunkii kadib
____________________________________________________________________________

April 21-2021

Madaxweyne Joe Biden iyo Kuxigeenkiisa Kamala Harris ayaa wacay qoyska Floyd xukunka kadib. Mr Biden ayaa la maqlay isaga oo leh “ugu yaraan hada waxaa jira xoogaa cadaalad ah”.

Khudbadihii qaran ee telefishanka laga sii daayay wax yar ka dib, Mr Biden wuxuu yidhi: “Midab takoorka nidaamsan waa nabar ku dhaca nafta qaranka oo dhan.”

Dhanka kale, Ms Harris waxay ku boorrisay sharci dejiyeyaasha inay meel mariyaan sharciga George Floyd ee looga dan leeyahay dib u habeynta booliska Mareykanka.

Qareenka qoyska Floyd, Ben Crump, ayaa sheegay in maanta ay “maalin taariikhi ah” u tahay Marayakanka.

Xiriirka booliska Minneapolis, oo ah hay’ad aan macaash doon ahayn oo mataleysa booliska, ayaa sheegtay inay ixtiraamayaan go’aanka xeerbeegtida.

Derek Chauvin, oo 45 jir ah, ayaa muuqaal laga duubay asagoo in ka badan sagaal daqiiqo jilibka qoorta kaga haya Mr Floyd oo la doonayey in la xiro bishii May.

Muuqaalkaas oo si weyn loo daawaday ayaa caro iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo midab-takoorka iyo awoodda xad dhaafka ah ee booliska ka dhaliyey caalamka oo dil.

Chauvin ayaa lagu helay dambi ah in si ula kac ah uu u dilay George Floyd.

Xeer-beegtida ayaa si aqlabiyad leh isugu raacday go’aanka waxaana lagu war geliyey in aanay guryahooda u hoyan tan iyo inta ay go’aan gaarayaan.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post