864 Views

Ahlusunna oo saacadihii la soo dhaafay ciidamo fara badan geeyay degaanka Bohol oo dhanka waqooyi Dhuusamareeb

Ahlusunna oo  saacadihii la soo dhaafay  ciidamo fara badan geeyay degaanka Bohol oo dhanka waqooyi Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________


Axad: October 10, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Xoogagga Ahlusunna Wal-jamaaca ay saacadihii la soo dhaafay  ciidamo fara badan geeyay degaanka Bohol oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

Xiisadda u dhexaysa Galmudug iyo Ahlusunna ayaa sii kordhaysa waxaana labada dhinac maalmahan wadaan abaabul ciidan.

Wararka ayaa sheegaya in Waan-waan la doonayay in lagu xalliyo xiisadda colaadeed ee labada dhinac ay natiijo la’aan ku dhammaatay kadib markii Galmudug shardi ka dhigtay in marka hore Ahlusunna ka baxaan Guriceel.

Sidoo kale Ahlusunna ayaa hadda gacanta ku haya dhawr magaalo oo ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud oo ay ku jiraan Matabaan iyo Guriceel.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post