795 Views

Guddi ansixiyey qodobada xilka xayuubinta Trump

Guddi ansixiyey qodobada xilka xayuubinta Trump
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 14 , 2019 | QOL |   –Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ee ay maamulaan dimoqraadiga ayaa maanta ansixiyey eedeymaha ku saabsan ku-xadgudubka awoodda iyo is-hortaagga ee ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump.

 

Tallaabadan ayaa xaqiijin doonta in Trump, oo Jamhuuri ah, uu noqdo madaxweynahii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee xil-ka-xayuubintiisa la dalbo.

 

 

 

Guddi hoosaadka garsoorka ayaa maanta codkan ku meel-mariyey, ayaga oo ay isku wada raaceen dimqoraadiga, halka Jamhuuriguna diideen.

 

Eedeymaha ku saabsan ku xad-gudubka awoodda ee ka dhanka ah Trump ayaa la xiriira inuu ku cadaadiyey dalka Ukraine inay baaritaan ku sameeyaan Joe Biden, oo ah dimoqraadi ay suurta-gal tahay inuu Trump kula loolamo doorashada 2020.

 

Guddiga ayaa sidoo kale ansixiyey qodob labaad oo lagu eedeeyey Trump, oo ah inuu is-hortaag ku sameeyey baaritaanka congress-ka uu ku sameynayey fadeexadda.

 

Madaxweyne Trump waa uu beeniyey eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna ku qeexay kuwa ay siyaad ka dambeyso.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment