1197 Views

Khilaafka Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo saameeyay Warbaahinta Puntland

Khilaafka Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo saameeyay Warbaahinta Puntland
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 19 2020–Waxaa weli taagan khilaaf aan weli sirasmi ah u soo shaac bixin,kaas oo u dhaxeeya Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Khilaafkaan ayaa ka bilaawday,kadib markii Madaweynaha Puntland uu xilkii ka qaaday Taliye kuxigeenka Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada,isla markaana uu mid kale Magacaabey,hayeeshee Madaxweyne kuxigeenka ayaa Warqad uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in xilka qaadistaas aan waxba ka jirin,isla markaana Gaashaanle Sare Cabdi Qani Maxamed Cabdi uu yahay taliye kuxigeenka Ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Khilaafkaan ayaa sidoo kale waxaa uu saameeyay Warbaahinta Puntland iyo Barta Facebook ee Madaxtooyada Puntland,waxaana Madaxweyne kuxigeenka Puntland Farriin tacsi ah oo uu u diray Guddoomiyihii Gobolka Bari ee qaraxa lagu dilay la soo dhigay Barta Facebook ee televeshanka Puntland,balse Shan Daqiiqo kadib laga saaray.

Waxaa sidoo kale aan farriinta tacsida ah ee Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash uu u diray Ehellada guddoomiyihii Gobolka Mudug aan la soo gelin Barta facebook ee Madaxtooyada oo markii hore Shaqooyinka ay qabtaan Madaxweynaha iyo kuxigeeniisa la soo gelin jiray,waxaana ugu dambeysay 7 Bishii Apriil xilli Madaxweyne kuxigeenka uu kulan la qaatay  Guddiga Gurmadka ee Gobolka Gadafuu.

Intaasi kadib Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sameystay Bar facebook oo lagu sheegay in hadda kadib howlaha Shaqo oo uu qabto Madaxweyne kuxigeena lagu baahin doono,waxaana tani ay banaanka keeneysaa khilaafka labada mas’uul

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment