1548 Views

Mareykanka Oo Sheegtay In Uu Duqeyn Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

Mareykanka Oo Sheegtay In Uu Duqeyn Ku Dilay Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 17, 2018 –Qoraal ay Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika ee AFRICOM soo dhigeen Bartooda Twitter-ka iyo Page-kooda waxay ku sheegeen inay dhowr jeer duqeyn dhinaca Cirka ah ku qaadeen Fariisimo ay Alshabaab ku leeyihiin Deegaanka Gendershe ee Gobalka Sh/Hoose.

AFRICOM waxay sheegtay si loo taageero dadaalka socda ee DFS ku doonayso inay wiiqaan Alshabaab inay Maraykanka fuliyeen duqeymo Diyaaradeed oo lala beegsaday Fariisimadda Alshabaab ee Gendershe, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Qoraalka AFRICOM waxay ku sheegeen inay bishan 15-da iyo 16-dii dhowr duqeyn la beegsadeen Alshabaabka ku sugan Deegaanka Gendershe, waxayna AFRICOM xustay in duqeynta 1-aad ku dileen 34 ka tirsan Alshabaab, halka duqeyntii xigtayna ay ku dileen 28 ka tirsan Alshabaab, waa sida ay AFRICOM sheegatay.

Dhinaca kale, Taliska Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM waxay kaloo xuseen  inay Taliska AFRICOM iyo DFS iska kaashadeen dhamaan duqeymahaasi, si looga hortago weeraradda mustaqbalka ee Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Sidoo kale, AFRICOM waxay sheegtay inay sii wadayaan sidii ay Saaxiibadda ay  wada-shaqeynta leeyihiin ugala shaqeyn lahaayeen sidii ay AMISOM ugu wareejin lahaayeen DFS iyo Maamul-gobaleedyadda mas’uuliyadda Ammaanka Somalia ee muddada dheer.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment