732 Views

Guddoomiye Cusmaan Barre” Dib looma dhigi karo doorashada Hir-Shabeelle”

Guddoomiye Cusmaan Barre” Dib looma dhigi karo doorashada Hir-Shabeelle”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 11 |  2020—Goddoomiyaha Baarlamaanka ee Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa ka hadlay khilaafaadka iyo is qaqabsiga kataagan doorashada Maamulkaas oo haatan wakhtigeeda la joogo.

Guddoomiye Cusmaan Barre  ayaa meesha kasaaray in ay joogsatay Shaqadii guddiga doorashada uu magacaabay Madaxweyne Waare, kuwaasi oo shaqadooda bilaabay dhawaana soo saaray habraaca doorashada, balse Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu kasoo hor jeestay habraaca ay soo saareen.

Goddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeele ayaa guddiga kula dardaaramay in howsha halkooda ay kasii wataan cid kasta oo doonaysana ka qeyb galka doorashada Hirshabeele ay timaado si ay kaga qeyb galaan doorashada, isla markaana waqtigeeda ay ku dhaceyso.

Beelaha dega hirshabeele ayaa isku heysta jagada uga sareeysa maamulka, iyada oo haatan u muuqanayso mid kasii dareysa.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post