720 Views

14-ka June, maalinta caalamiga ah dhiiga shubida caalamka

14-ka June, maalinta caalamiga ah  dhiiga shubida caalamka
____________________________________________________________________________

June 14 2021

Maanta oo ku began 14-ka June, waa maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay in si mutadawacnimo ah loo bixiyo dhiiga, si ay ugga faa’iideystaan dadka u baahan in dhiig loo shubo.

Weriyahayaga Muqdisho Ibraahim Maxamad, ayaa la kulmay Abshir Shuceyb. Wuxuu sheegay Abshir in dhiigiisu uu uggu deeqo dadka u baahan in dhiig loo shubo.

Abshir waa qof dhalinyaro ah oo toddobadii sanno ee lasoo dhaafay si bilaasha dhiigiisa uggu shubi jiray dadka ku dhaawacma dagaallada iyo qaraxyada, iyo sidoo kale dadka xanuunada qaba ee u baahda in dhiig loo shubo.

Maalintan ayaa loogga gol leeyahay in lagu baraarugo baahida loo qabo in dhiig caafimaad qabo loo helo dadka u baahan in dhiig loo shubo.

Soomaaliya waxaa ku badan dadka dhiiga u baahan, maadaama ay ku badan yihiin dadka ku dhaawacma dagaalada iyo qaraxyada.

Sidoo kale dumarka ku dhibaatooda foosha ee u baahda qalliinka, ayey baahidoodu lasoo daristaa isbitaalada ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post