576 Views

Ilhaan Cumar oo soo saartay bayaan kusaabsan qaabilista qaxootiga Mareykanka

Ilhaan Cumar oo soo saartay bayaan kusaabsan qaabilista qaxootiga Mareykanka
____________________________________________________________________________

Sabti: SEPTEMBER 17, 2022

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo katirsan aqalka Congress-ka Mareykanka, ayaa ku amaantay maamulka Biden, kor u qaadista tirada qaxootiga ee sanadlaha ah, taasoo la gaarsiiyey 125,000 oo qof.

Sannadkii hore, Joe Biden, ayaa waxa uu qaxootiga la keenayo Mareykanka gaarsiiyey 62,500, taasoo aad uga tiro badan qaxootigii la keeni jiray xiligii maamulkii Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, oo aheyd 15,000.

Cumar, oo u soo haajirtay dalka Mareykanka, iyadoo qaxooti ah oo ka timid Soomaaliya, ayaa sheegtay in “qarniyaal, ay Ameerika iftiin iyo rajo u ahayd malaayiin kasoo qaxay dulmiga adduunka oo dhan ka dhacayay”.

“Xilligan oo ay dadku aad uga badan yihiin xiliyadii hore ee taariikhda bani’aadamka ee lasoo maray, colaadahana ay ka jiraan dalalka Ukraine, Yemen, Itoobiya iyo Afgaanistaan, waa inaan albaabada u furnaa kuwa ka cararaya cadaadiska iyo dhibaatooyinka kale, ” ayey hadalkeeda sii raacisay Ilhaan Cumar.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Minnesota ku cod badan, ayaa xusay in sanadkii 2021-kii, “Mareykanku wuxuu ku guuldareystay inuu oofiyo balan qaad kiisii ahaa qaabilaadda qaxootiga qayb ahaan, sababtoo ah hoos u dhac ayaa ku yimid barnaamijkii dib u dejinta qaxootiga, ee markaa hoos imanayay maamulkii Donald Trump.

Ilhaan Cumar, ayaa sheegtay inay rajeynayso inay sameynayaan iyada iyo xisbigeeda wax kasta oo awooddooda ah, si ay dib u dejin ugu sameeyaan muhaajiriin badan. sida ugu macquulsan sanadka soo socda, waxaana rajeyneynaa inaan la shaqeyno Maamulka haatan ka arrimiya Mareykanka, si taasi u dhacdo.” ayey mar kale sheegtay xildhibaan Ilhaan Cumar.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post