1071 Views

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun Ku Riday Madaxii Baxnaaninta Bukaanada Al-Shabaab

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun Ku Riday Madaxii Baxnaaninta Bukaanada Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 16, 2019 | QOL |   –Axmed Cali Aybakar ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab gaar ahaan in uu qaabilsanaa kooxda in uu  kaga kireeyo guryo magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho  oo uu ku lahaa  wakaalad iyo kor joogteyn inta ay dib ugu noqonayaa maleeshyada.

Axmed oo ay ciidamada amniga xogtiisa hayeen ayaa laga soo qabtay mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee ku yaallo magaalada Muqdisho, waxaa xilligaas lala qabtay Bukaan  Alshabaab ah  oo uu ku diiwaan geliyay in uu adeer u yahay

July ayay soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ayna baaris dheer ku soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 14-kii September, isla xilligaasi waxa uu Garsoorayaasha  Xafiiska  ka  codsaday in la geeyo Eedeysanaha  xabsiga dhexe  garsuge ahaan.

Baaris dheer kadib ayay Codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 12-kii November , waxa ayna Maxkamadda aqbashay 23-kii bishii tagtay.

 

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu da’ yahay.

 

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhagesiga kiiskan saacado ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment