1431 Views

Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galaya Uganda

Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galaya Uganda
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfa ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Ku-simaha safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Uganda ,Mudane Cali Maxamed Cagabarur.

 

Wasiirka ayaa Kampala kaga qeybgalaya shirka heer wasiir ee Golaha 47aad ee ARLAC kaasoo loogu talagalay wasiirada mas’uulka ka ah shaqada, ee waddamada qaarada Afrika.

 

Sidoo kale Wasiirka ayaa intii uu ku sugan yahay Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qaar kamid ah madaxda ka qeyb-galeysa Shirkaas.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment