1053 Views

SAWIRO:-Dowladda Ruushka oo kordhinaysa taageerada ay siiyo Soomaaliya

SAWIRO:-Dowladda Ruushka oo kordhinaysa taageerada ay siiyo Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 17 2019 —Wasiiru Dowlaha Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa maanta magaalada Muqdisho Kullan kula qaatay Safiirka Cusub ee dalka ruushka Mikhail Golovanov labada masuul ayaa kawada hadlay xiirirrka Soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo ruusha.

 

Kullanka ayaa sidoo kale waxa ay ugu hadleen iskaa shiga Horumarinta waxbarashada Laba dal.

 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Safiirka dalka Ruusha ayaa ku dheeraaday ka hadalka deeqaha waxbarasho dalkana Soomaaliya uu ka helo dalka ruusha.

 

“Waxaan Maanta magaalada Muqdisho kullan kula qaatay Safiirka Cusub dalka Ruushka Mikhail Golovanov Soo dhaweyn kadib waxaan kawada hadalnay xiiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeyo labada wadan. Sidookale waxaan kawada hadalnay Xoojinta iskaa shiga waxbarashada labada wadan, Mikhail Golovanov waxa uu ii balan qaaday in uu wasaaradda waxbarashada kala shaqeyn doono kordhinta deeqaha waxbarasho ee dalka ruushka uu siiyo Soomaaliya.

 

Dowladda Ruushka ayaa horay waxaa ay Soomaaliya u siisay deeqo waxbarasho, iyada oo Arday farabadan oo Soomaaliyeed loo qaaday dalkaasi si ay wax uga soo bartaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment