1416 Views

Kooxda Daacish oo qudha ka jartay sarkaal u afduubnaa mudo

Kooxda Daacish oo qudha ka jartay sarkaal u afduubnaa mudo
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 29, 2021

Mas’uuliyiinta dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyay dilka sarkaal sare oo ka tirsan booliska dalkaasi labo todobaad uun kadib markii ay afduubteen kooxda Daacish.

Daacish ayaa soo bandhigtay sawir Talaadadii kaas oo muujinayay Colonel Yasser al-Jourani oo qoorta laga gooyay loona xiray dhar midabkiisu ahaa jaalle. Waxaa la qafaashay isaga oo howlgal ka waday gobolka fog ee Xamriin ee dalka Ciraaq.

Mid ka mid ah dadkii la socday ayaa la helay isaga oo meyd ah, halka midka kalena nolol lagu helay, balse markii dambe ayuu ugeeriyooday dhaawacii loo geystay. Ciidanka ayaa wacad ku maray in ay u aargudi doonaan sarkaalkaas ay daacish qoorta ka gooysay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post