1086 Views

Dagaallo ku saabsan afar meelood oo muddo dheer socday waxayna halis ku yihiin nabadgalyada guud ee adduunka.

Dagaallo ku saabsan afar meelood oo muddo dheer socday waxayna halis ku yihiin nabadgalyada guud ee adduunka.
____________________________________________________________________________

Talaado: November 9, 2021

 Dagaallo ku saabsan afar meelood ayaa muddo dheer socday waxayna halis ku yihiin nabadgalyada guud ee adduunka.

Warar dhawaan soo baxay ayaa sheegayay in Shiinaha uu sameystay maraakiib dagaal oo la mid ah kuwa Mareykanka, iyadoo arrintaasna lala xiriirinayo muranka ka taagan Badda Koonfurta Shiinaha.

Qaar ka mid ah isku dhacyada waxay soo taagnaayeen waqti aad u dheer, inkastoo xabbad aysan soconinna, waxaa mar walba soo cusboonaada xiisado xoog leh oo abuuraya khatar soo wajihi karta nolosha kumannaan qof.

1- Badda Koonfurta Shiinaha

Goor sii horreysay oo sanadkan gudihiisa ah, Shiinaha ayaa lagu tuhmay inuu tijaabinayo gantaallo noocoodu yahay kuwa xambaara madaxyada nuclear-ka – gantaalladaasoo cirka duuli kara xawaare shan jibbaar ka dheer guuxooda – waxaana ka dhashay walaac weyn oo soo food saaray xukuumadda Washington.

Beijing ayaa markii dambe beenisay wararka ku saabsan arrintaas waxayna mas’uuliyiinta Shiinaha sheegeen in tijaabadaasi ay ahayd middii caadiga ahayd ee ay sida joogtada ah u sameysan jireen militarigooda.

Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa mar walba sameeya wax ay ugu yeereen howlgallo caadi ah, maraakiibta militariguna waxa ay dul wareegayeen Badda Koonfurta Shiinaha, oo ka mid ah meelaha uu muranka ugu weyn ka taagan yahay adduunka.

Shiinaha ayaa sheegta inuu leeyahay inta ugu badan dhulka ay ku fadhiso baddaas, balse dalalka deriska la ah iyo Mareykanka ayaa ku gacan seyray sheegashadaas oo ay ka xigaan dagaal.

Aagga ay ku fadhiso baddaas waxa uu marin u yahay maraakiibta ganacsiga adduunka oo sanad walba mariya badeecooyin uu qiimahoodu gaarayo in ka badan $3 tirilyan oo doolar, oo u dhiganta £2.2 tirilyan oo gini.

Waddamada kala ah Philippines, Brunei, Malaysia, Taiwan iyo Vietnam waxa ay dhammaantood muddo tobannaan sano ah kasoo horjeedaan sheegashada Shiinaha ee ku aaddan in baddaas inteeda badan uu leeyahay, balse xiisadda ayaa sare u kacday sannadihii ugu dambeeyay.

Dowladda Mareykanka ayaa dalalkan badankood ku taageersan mowqifkooda ku aaddan murankaas.

Muddo sannado ahna, Shiinaha waxa uu diyaarinayay gantaallo goobtaas ka difaaci kara maraakiibta dagaalka.

Washington ayaa ka digtay Beijing ay dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay ku howlan tahay barraalinta awooddeeda militari, oo ay ka mid tahay cududda nuclear-ka, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha ka aloosan Badda Koionfurta Shiinaha.

Maadaama ay xiisaddan ku lug leeyihiin labada waddan ee awoodda badan, dad badan waxa ay aaminsan yihiin in ay khatar ku heyso amniga caalamka. Shiinaha iyo Mareyknaka labaduba waxa ay ku hubeysan yihiin bambooyinka sida ba’an wax u gumaada ee nuclear-ka.

2- Gacanka Kuuriya

Dagaalkii Kuuriya, oo u dhaxeeyay Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed waxa uu galaaftay nolosha ugu yaraan 2.5 milyan. Dadkaas dhintay waxay isugu jireen kuwo kasoo kala jeeday labada dhinac.

Bishii June ee sanadkii 1950-kii, dagaalkaas waxa uu gaaray heer caalami ah kaddib markii Kuuriyada Waqooyi, oo hoos tageysay Midowgii Soviet, ay farogelin ku sameysay Kuuriyada Koonfureed, sidaasna uu Mareykanku ugu khasbanaado inuu arrinta soo farogeliyo isagoo ka baqaya in la ballaariyo nidaamka shuuciga ama hati wadaagga.

Xasaraddda Kuuriya waa mid wali taagan, dagaalkii labada dhinac u dhaxeeyayna wali si rasmi ah looguma dhawaaqin inuu istaagay. Kuuriada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed mid waliba waxa uu sheeganayaa inuu yahay dowladda kaliya ee ka jirta Kuuriya.

Xiisaddan waxay soo billaabatay intii uu socday dagaalkii Kuuriya oo xabaddiisu ay socotay laga billaabo 1950-kii ilaa 1953-kii.

Labada Kuuriya ayaa ilaa hadda ku jira xaalad dagaal inkastoo aysan rasaas soconin, dadaallo labada dhinac miiska wadahadalka la isugu keeni lahaana way guul darreysteen.

3- Jammu iyo Kashmir

Dagaalka Kashmiir waxa uu xaalad weyn ka yahay gobolka Kashmiir, gaar ahaanna waxa uu u dhaxeeyaa dowladaha Hindiya iyo Pakistan. Balse Shiinaha ayaa ah dalka saddexaad ee ku lugta leh dagaalkaas.

Colaaddan ayaa billaabatay kaddib markii ay Hindiya iyo Pakistan kala go’een sanadkii 1947-kii, labada dal mid walbana waxa uu sheegtay inuu leeyahay labada gobol ee kala ah Jammu iyo Kashmiir iyo deegaanada hoos imaada.

Muranka ka taagan labadan gobol waxa uu sabab u ahaa saddex dagaal oo waaweyn oo u dhaxeeyay Hindiya iyo Pakistan iyo marar badan oo isku dhacyo hubeysan ay dhex mareen labada dhinac.

Hindiya waxa ay maamushaa qiyaastii 55% ka mid ah dhulka lagu muransan yahay, oo ay ka mid yihiin Jammu, Kahsmir Basin, in badan oo ka mid ah Ladakh, Siac Glacier iyo 70% ka mid ah shacabka deegaannadaas.

Pakistan waxa ay maamushaa qiyaastii 35 % ka mid ah dhulkaas oo ah isku darka Azad Kashmir iyo Gilgit-Baltistan.

Shiinahana waxa uu gacanta ku hayaa inta kale ee soo hartay, oo ay ku jiraan Aksai Chin iyo qaybo ka mid ah Demchok.

4- Buuraleyda Golan, Marinta Qasa iyo Daanta Galbeed

Dagaalkii Israa’iil iyo Carabta dhex maray sanadkii 1967-kii waxa ay ciidamada Israa’iil ku qabsadeen Bariga Qudus iyo Daanta Galbeed. Dhinaca alena waxay Israa’iil ku qabsatay qaybo badan oo ka mid ah Buuraleyda Golan ee ay leedahay Suuriya, Qasa iyo Gacanka Siinaay ee Masar.

Qaxooti badan oo Falastiiniyiin ah ayaa ku nool Qasa iyo Daanta Galbeed, qaar kalena waxay ku nool yihiin dalalka Urdun, Suuriya iyo Lubnaan.

Falastiiniyiinta iyo xooladoodaba Israa’iil ayaa u diiday inay dib ugu laabtaan guryahooda – waxayna maamulka Israa’iil sheegeen in haddii ay u fasaxaan ay sababi karaan inay khatar galiyaan waddanka iyo nolosha dadka Yuhuudda ah.

Israa’iil wali way haysataa Daanta Galbeed, inkastoo ay ka baxday Qasa-na Mareykanku waxa uu wali dhulkaas u aqoonsan yahay mid la haysto.

Taas waxaa sii dheer in Israa’iil ay shegato in guud ahaan magaalada Qudus ay tahay caasimaddooda, halka Falastiiniyiintuna ay sheegaan in Bariga Qudus ay noqon doonto caasimadda dowladda ay mustaqbalka yeelanayaan Falastiiniyiinta.

Mareykanku waxa uu ka mid yahay dalalka faro ku tiriska ah ee aqoonsan in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

50-kii sano ee lasoo dhaafay gudahooda, Israa’iil waxa ay deegaanno ka sameysatay dhulka ay heysato, halkaasoo hadda ay ku nool yihiin tiro badan oo ka mid ah dadka Yuhuudda ah.

Balse Falastiiniyiinta ayaa sheega in arrintaasi ay tahay mid xad gudub ku ah shuruucda caalamiga ah, ayna hor istaageyso nabad ku wada noolaashaha, laakiin Israa’iil way beenisay eedeyntaas.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post