1077 Views

Madaxweynaha Ereteriya oo safar deg deg ah ku tegay Itoobiya

Madaxweynaha Ereteriya oo safar deg deg ah ku tegay Itoobiya
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 25 2019 | —Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxaa uu gaarey  Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa,halkaas oo booqasho rasmi ah uga bilaabatey.

 

Markii uu ka  degay gegada diyaaradaha Caalamiga ah ee Bole International Airport, ayaa waxaa soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed iyo madax kale oo ka tirsan dawladda Itoobiya.

 

 

 

Inta uu ku sugan yahay dalka Itoobiya, Madaxweynaha Ereteriya waxaa la filayaa inuu la kulmo Madax ka tirsan dowladda Itoobiya si ay uga wada hadlaan arrimaha labada dal iyo gobolka.

 

Dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya ayaa kala saxiixday heshiis nabadeed kadib magacaabistii Dr Abiy Axmed ee loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya bishii Abriil ee sanadkii la soo dhaafay ee 2018.

 

Heshiiska ayaa dhigayay marxalad cusub oo iskaashi ah oo ka dhexmara  labada dal, oo ay ka mid tahay dib-u-dejinta isgaarsiinta iyo isku xirka gaadiidka iyo dib u furista safaaradaha maadaama labada dowladood muddo ka badan 20 Sano uu dagaal ka dhaxeeyey.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment