1287 Views

Ciidamo Cusub oo la soo dhigay Isgoysyada Muqdisho

Ciidamo Cusub oo la soo dhigay Isgoysyada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 18, 2019 –Isgosyada Waaweyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa Maanta Dowladda soomaaliya ay soo dhigtay ciidamo Cusub,kuwaas oo shalay Gelinkii dambe lagu soo bandhigay Xarunta Xisbiga ee Magalada muqdisho.

 

Ciidamadaas ayaa ah kuwa rabshadaha ka hortaga, iyada oo la sheegay in loo diyaariyey inay ka hortagaan banaanbaxyo laga cabsi qabo inay ka dhacaan Magalada muqdisho,kuwaas oo la hadal haayey 24kii saac ee la soo dhaafay.

 

Isgoysyada km4, Dabka, Afarta Darjiino, Sanca, Banaadir iyo Isgoysyo kale oo waaweyn oo ku yaalla Magalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa Ciidamadaas oo wata astaan u gaara ah oo lagu yaqaano Booliska ka hortaga rabshadaha.

 

Magalada Muqdisho xilligaan kama socdaan wax banaanbax ah, waxaana furan Goobaha Ganacsiga, iyada oo dadka iyo Gaadiidka ay si caadi ah u socdan, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah Wariyeyaasheena oo soo maray degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.

 

Siyaasiyiin iyo Culuma’udiinka Magalada Muqdisho iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka digay banaanbaxa, iyaga oo sheegay in uu yahay mid dano Siyaasadeed oo gaar ah laga leeyahay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment