1533 Views

Madaxda maamul goboleedyadda oo ku shir ku yeelanaya Garowe

Madaxda maamul goboleedyadda oo ku shir ku yeelanaya Garowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 07, 2018 Warar ay heshay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Magaalada Garowe ay shir ku yeelan doonaan Madaxda maamul goboleedyadda 10-ka bishaan, Kaasoo looga hadlaayo Xaaladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa  ah mid ka duwan kulamadii hore, waxaana diiradda lagu saari doonaa sidii loo sameyn lahaa Iskaashiga maamul oo dhaxeeya Maamul goboleedyadda, Wasiiro isku dhaf ah,Qodobaddii ugu dambeeyay ee kasoo baxay Shirkii Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ee Kismaayo lagu qabtay.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan xubno ka socda Beesha Caalamka ,Waxgaradka Soomaaliyeed iyo dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Xubin ka mid ah Guddiga Fulinta Golaha Iskaashiga ayaa Risaala u sheegay in kulanka uu ka duwan yahay kulamadii hore.

Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda Khilaafka u dhaxeeya ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay tan iyo markii maamulada ay shaaciyeen in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment