327 Views

Abaabulka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billaawday Shabeellaha Dhexe

Abaabulka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billaawday Shabeellaha Dhexe
____________________________________________________________________________

Dadka deegaanka Miirtaqwo ee gobolka Shabeellaha Dhaxe ayaa billaabay abaabulka inay qeyb ka noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilaabanaya gobolkaas.

Dadkan is abaabulay ayaa waxaa la kulmay saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo waxgaradka deegaanka waxaana ay kula dardaarmeen in la dardargaliyo howlgallada deegaanadda Shabeellaha Dhexe looga saarayo Al-Shabaab.

Deegaanadda la rabo in ciidankaan ay ka saaraan Al-Shabaab ayaa kala ah Alkowthar, Aadan yabaal, Ceel dheere, Ceel baraf, Caadleey, Cali Fool dheere, Ciid ciidka, Calaag mahaday, Maguurto iyo Quraac Madoobe.

Degaanka Miirtaqwo ee Maanta lagu soo bandhigay ciidamada degaanka ee la dagaalamaya Al-Shabaab ayaa waxaa u dow degaanka Ceelbaraf oo ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post