654 Views

Mbappe oo baaqi kusii ahaanayo PSG xilli ciyaareedka soo aaddan ee 2021-22

Mbappe oo baaqi kusii ahaanayo PSG xilli ciyaareedka soo aaddan ee 2021-22
____________________________________________________________________________

Talaado: August 3, 2021

Mustaqbalka weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa ka mid ah cinwaannada ugu hadal heynta badan suuqa kala iibsiga xagaagan iyadoo si aad ah loola xiriirinayo inuu isaga tagayo kooxdiisa si uu ugu biiro Real Madrid oo sanadihii ugu dambeeyay lala xiriirinayay.

Balse haatan, wararka ka imaanaya dalka Faransiiska ayaa sheegaya inuu Mbappe baaqi kusii ahaanayo naadiga PSG xilli ciyaareedka soo aaddan ee 2021-22 si uu u dhammeysto qandaraaskiisa dhacaya xagaaga dambe.

Wargeyska Le Parisien ee kasoo baxa dalka France ayaa dib u gocday war ku aaddanaa in Mbappe ee sii joogi doono kooxdiisa kaasoo uu horraan daabacay 1-dii July, haatanna waxa uu wargeyska ku celiyay inuu 22-sano jirka Faransiiska ah baaqi kusii ahaanayo Parc des Princess.

Dhinaca kale, warsidaha Madrid kasoo baxa ee MARCA ayaa sheegay inay Los Blancos sugeyso inta uu xiddigan ku dhammeysanayo qandaraaskiisa si ay xagaaga dambe ula soo saxiixato isagoo bilaash ah maadaama uu xilligaas noqon doono mid xor ah.

Si kastaba ha ahaatee, Mbappe ayaa la filayaa inuu naadiga Paris kusoo laabto ciyaarta ugu horreyso ee horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 taasoo ay la balansan tahay naadiga Troyes.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post