1209 Views

SAWIRO:-Shir lagu xalinaayo Beelo ku dagaalamay Mudug oo furmay

SAWIRO:-Shir lagu xalinaayo Beelo ku dagaalamay Mudug oo furmay
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 23, 2019 | QOL |   –Waxaa Maanta oo Isniin ah ka furmay Deegaanka Towfiiq Ee Bari Gobolka Mudug wajiga labaad shir dib u heshiisiin ah oo lagu xalinaayo Beelihii ku dagaalamay deegaannada Towfiiq & Afbarwaaqo ee Gobolkaas.

 

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Taliyaha Qeybta 21 aad Ee Cidanka Xooga Dalka Soomaaliya Cabdi Casiis Cabdullaahi (Qooje), Odayaasha Dhaqanka labada maleeshiyo beeleed eedagaalamay iyo xubno kale.

 

Shirka waxaa soo qaban qaabisay Wasaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo Xubno kamid ah Wasaaradda ay shorka ku sugan yihiin,waxaana lagu dhameystirayaa heshiiskii ay wada gaareen dhawaan labada Beelood.

 

Ugu dambeyn Shirkaan oo socon doona Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in geba-gabdiisa laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii lagu heshiiyey.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment