969 Views

Madaxweyne Erdogan “ Waxaan soo celineynaa xiriirka aan Sacuudiga la lahayn’

Madaxweyne Erdogan “  Waxaan soo celineynaa xiriirka aan Sacuudiga la lahayn’
____________________________________________________________________________

Sabti: April 30, 2022

Madaxweynaha Turkiga Racip Tayip Erdogan oo kulan la yeeshay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya wuxuu sheegay inuu doonayo in la soo celiyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal u dhaxeeyoey.

Erdogan wuxuu sheegay Ankara iyo Riyadh labaduba iney ka go’an tahay iney wanaajiyeen xiriirkooda sanadihi u dambeeyey xumaa.

Erdogan oo booqashadi uu ku joogay Sacuudiga soo gabagabeeyey oo warfidiyeennada la hadlay xilli uu diyaarad sii saarnaa wuxuu sheegay labada dhinac iney isku afgarteen iney ka wada shaqeeyaan danaha ay ka mideysan yihiin iyo amniga gobolka.

Booqashada labada maalmood uu Erdogan ku joogay SAcuudi CArabiya wuxuu kulammo uu la qaatay Boqorka Sacuudiga Salmaan bin Cabdilcaziiz, dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan iyo mas’uuliyiin kale.

Xiriirka labada waddan ayaa xumaa tan iyo markii sanadkii 2018 ay koox khaarajinta qaabilsan oo Sacuudi ah ay gudaha qunsuliyada dalkaas uu ku leeyahay Istanbul ay ku dileen weriye Jamaal Khashoggi.

Xukuumadda uu hogaamiyo Erdogan ayaa xilligaas ku eedaysay madax Sacuudi ah oo uu kamid yahay Maxamed bin Salmaan inay ku lug lahaayeen khaarajinta weriyaha, waxaana uu Turkiga furay dacwad ku aaddan kiiskaas.

Sacuudiga oo ka carooday qaabka uu Turkiga u wajahay kiiska ayaa billaabay inuu xayiraad aan rasmi ahayn saaro badeecadaha ay Ankara u dhoofiso Boqortooyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post