1467 Views

Askar dilal ka geystay Muqdisho oo gacanta lagu soo dhigay

Askar dilal ka geystay Muqdisho oo gacanta lagu soo dhigay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 09, 2019 –Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dilal ay Askar Boolis ah Muqdisho ugu geysteen dad shacab oo badankoodu ahaa dhalinta Mooto Bajaajta ku shaqeysta.

Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Magaaladaani Muqdisho ka sheegay in gacanta ay kusoo dhigeen askar uu sheegay in siyaabo kala duwan ay dilal ugu geysteen dad shacab ah dhawaanahaan.

Waxa uu sheegay Jeneraal Bariise in ay askarta ay soo qabteyn ay u gudbiyeen maxkadamada lana marsiin doono cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Aniga oo ku hadlaya Magaca Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo kan Booliska waxaan idiin sheegayaa in aan gacanta kusoo dhignay askar dilal kala duwan geystay, waxaana u gudbinay maxkamada si cadaaladda loo marsiiyo” ayuu sheegay Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise.

Waxa kale ee uu Ciidamada Booliska ugu digay in ay geystaan dil, waxa uuuna ku nuux nuuxsaday in ugu dambeyn cadaalada lasoo taagi doono oo aanan loo asxaan fali doonin askarigii geystaa dil.

Hadalka Taliyaha ayaa kusoo aadaya iyadoo su’aallo badan la iska weydiinayay dilal ay Ciidamada u geystaan Dhalinyarada Bajaajka ku shaqeysta oo Muqdisho kusoo badanayay dhawaanahaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment