714 Views

Midowga Musharixiinta oo digniin u diray Madaxweyne Farmaajo

Midowga Musharixiinta oo digniin u diray Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 28, 2021
—Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland & shirka deg dega ah oo ay ku dhawaaween.

Qoraal kasoo baxay Midowga Murashaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in a muhiim tahay in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayidka ah si xal wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgelinta heshiiskii 17-kii September 2020.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay cadeeynayaan in uu dhameystiray turxaan bixinta Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed ee aan soo buuxin shuruudaha waafaqsan sharciga, isla markaana ay diyaar u yihiin inay soo gudbiyaan liiska, hadii la helo Goob iyo qaab loo hubiyo Guddiyada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayay ugu baqeen in uu kalin mas’uuliyadeed ka qaato xal u helida caqabadaha hortaagan hirgelinta heshiiskii 17-kii Septemer ee tabashada laga qabo guddiyada doorashooyinka marjaca & habraaca doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada & Arrinta Gobolka Gedo.

Ugu dambeyn Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha ayaa Madaxweyne Farmaajo uga digay in doorasho hal dhinac ah uu qabto, taas oo halis ku ah xasiloonida, midnimada iyo Wadajirka dalka.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post