711 Views

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo kormeer shaqo ku Tagay Xero Milatari oo ay leeyihiin Ciidamada Jubbland..

Madaxweyne ku xigeenka  Jubbaland oo kormeer shaqo ku Tagay Xero Milatari oo ay leeyihiin Ciidamada Jubbland..
____________________________________________________________________________

8-da Marso 2021

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo kormeer shaqo oo afar maalmood qaatay ku tagay deegaanada Waqooyi ee magalada Kismaayo, deegaanada uu Madaxwayne ku xigeenku kormeerka ku tagay ayaa waxaa ka mida Sanguuni,Wirkooy, Buulaguduud Yoontooy iyo Goobwayn.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dawlad goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale kormeeray xerooyinka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanadaas.

U jeedka kormeerkaan ayaa darnaa sidii loogu kuur gali lahaa xaaladda amni iyo nolosha dadweynaha ku nool deegaanadaas, maadama qayba ka mid ah deegaanada Jubbaland ay ka jiraan abaaro saameeyay dad iyo duunyaba.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale shirar kala duwan la qaatay Saraakiisha ciidamada iyo maamulada deegaanadaas oo uu kala hadlay xaaladda guud, isagoona warbixinno kala duwan ka dhagaystay Saraakiisha ciidamada iyo ururada bulshada.

Jubbaland ayaa sidoo kale gaarsiisay gurmad raashin ah oo lagaga jawaabayo abaarihii ka dhacay deegaanada uu madaxweynahu kormeerka ku tagay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post