1440 Views

Nin diiq xabad ku dhuftay oo dacwad lagu soo ogaay

Nin diiq xabad ku dhuftay oo dacwad lagu soo ogaay
____________________________________________________________________________

Nin u dhashay dalka Faransiiska ayaa dacwad lagu soo oogay kaddib markii muddo shan bilood ka hor ah uu toogtay diiq aad u qayli badnaa.

Diiqa oo loogu magac daray Marcel, ayaa bishii May waxa toogtay ninkan oo daris la ahaa cidii haysatay kaddib markii uu ka carooday qaylida iyo dhibaatada uu u gaysanaayay.

Sebastien Verney, mulkiilaha Marcel, ayaa bilaabay dacwad ka dhan ah ninkii toogtay.Cabasho uu internet-ka taageera uga dalbanaayay ayaa waxa saxiixay dad ku dhaw 100,000 oo qof.

Ninkan ayaa lagu helay dambi ah inuu xadgudub ku sameeyay xayawaankan, waxaana lagu ganaaxay lacag gaaraysa 300 oo gini, sidoo kale waxa laga mamnuucay inuu qaato wax hub ah muddo saddex sano ah.

“Wixii horay u halaabay dib looma hagaajin karo,” Ayuu Mr Verney ku yiri wakaaladda wararka ee AFP.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post