87 Views

Xukuumadda Washington oo aan ku qanacsaneyn heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya

Xukuumadda Washington oo aan ku qanacsaneyn heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya
____________________________________________________________________________

Washington – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ururada iyo wadamada ay bah wadaagta yihiin kala shaqeyneyso sidii loo burin lahaa heshiiska sharci darada ah ee dowlada Itoobiya ay la gashay maamulka gobolada waqooyi ee Soomaaliya {Somaliland}, kaas oo 1-da bisha ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Madaxa warfaafinta gudiga amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa tilmaamay sida marar badan ay ku celceliyeen in dowlada Mareykanku taageersan yahay madax banaanida iyo qarnimada dhuleed ee Soomaaliya ayna tahay in la xushmeeyo, xilli maalinta barri arrintaan ay IGAD ka shirayaan arrintaan.

Agaasimaha ayaa sheegay in heshiiska uu carqalad ku yahay dagaalka ay Soomaalida, Afrikaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gobolka ay kula jiraan Al-shabaab”“Xaaladdaan waxa ay keeneysaa qatar amniga Qaranka ah, taas oo ah mid dhiiri gelin karto xagjiriinta Al-Shabaab” ayuu yiri afhayeenka.

Hadalka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli xiisadda ka dhalatay heshiiskii dowladda Itoobiya ay la gashay Somaliland caalamka u uku tilmaamay mid xadgudub ku ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyadoo loogu baaqay.

Dowladaha Mareykanka UK Midowga Yurub, Midowga Afrika Jaamacadda Carabta iyo IGAD ayaa si isku mid ah u cambaareeyay dowladda Itoobiya iyadoo waxaana hadalka kasoo baxay Mareykanka uu aad markale cadaadis u saari karaa dowladda Itoobiya oo wajahaysa cadaadisyo xaaggan oo heysta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post