918 Views

Madaxwayne Ku xigeenka Jubbaland oo Muddo Kadib Maanta Ku laabtay Kismaayo

Madaxwayne Ku xigeenka Jubbaland oo Muddo Kadib Maanta Ku laabtay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 07 2020–Madaxwayne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta dib ugu laabtay maaalada Kismaayo kadib safar Dheer oo ku qaatay Qaybo kamid ah Gobolka Gedo iyo Xaduudka Kenya iyo Soomaaliya.

Sayid aadan ayaa Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Ee Sayyid Maxamad Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawlad goboleedka Jubbaland kuwaas oo ay kamid yihiin wasiirro, xildhibaanno, odayyo dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Maxamud Sayid aadan ayaa Shir jaraa’id ku qabtay Qaybta nasiinada Garoonka Diyaaradaha Waxaana uu ka warbixiye Safarka Muddo dheer uu ku joogay deegaanada Gobolka gedo iyo sidoo kale Magaalada Nairobi oo u mar gaaray Mudadaas.

Waxaa uu Sheegay in dhamaan Safarkiisa u Qabsoomay Sida uu ay ugu talagaleen maamulka jubaland,isagoo aan Qeexin Waxyaabaha uu diirada ku saaray Safarkiisa.

Madaxwayne Ku xigeenka Jubaland Maxamud Sayid Aadan ayaa magaalada Kismaayo Ka maqnaa muddo ku dhaw 5 Bilood waxaana Doorashada Bishii August kadib uu u wareegay Gobolka Gedo halkaas oo ay ka bilaabatay in Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland ay taageero u Muujiyaan Dowlada dhexe.

Sayid Aadan ayaa sidoo kale Gobolkaas kusoo dhaweeyey Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan Wasiirka Amniga Jubbaland kaas oo Ka Baxsaday Xabsi uu ku xirnaa kuna yaalay Muqdisho.

Sayid Aadan iyo Janan ayaa Muddo dheer wada Joogay Gobolkaas,Waxaana la ogyahay in dagaalo ay ka dhaceen Gobolka Tan iyo Markii Uu Gaaray Cabdi rashiid Janan.

Saacadaha Soo socda ayuu Kulan Gaar ah La qaadan Doonaa Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam Axmed Madoobe,Waloow Jubbaland ay gashay Maalmo Baroordiiq ah.

Ugu Dambeytiina madaxwayne ku xigeenka Jubbaland ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid wasiirkii waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubbaland marxuum Maxamad Ibraahim Maxamuud.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment