993 Views

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Ergayga Qatar ee Somali

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Ergayga Qatar ee Somali
____________________________________________________________________________

May 3-2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergayga gaarka wadaxaajoodyada iyo la dagaallanka argagixisada, Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani.

Waxaa uu Laftagareen sheegay in ergayga ay ka wada hadleen hadleen xoojinta la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtan, Wuxuu Soomaaliya u joogaa arrimo wadahadal iyo dhexdhexaadin. Weftiga uu hoggaminayo waxay la kala kulmeen, Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Guddoonka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka iyo qaar ka mid ah mucaaradka.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post