438 Views

Dhismo Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada

Dhismo Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada
____________________________________________________________________________

Khamiis: LULY 21, 2022

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xarunteeda dhexe kusoo kordhisay dhisme 2 dabaqa oo cusub taasi oo sahli doonta fududeynta howlaha ay Wasaaradda u hayso bulshada Sooomaaliyeed ee adeegyada usoo dhoonta

Wasiirka Waxbarashada mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo hadal ka jeediyay munaasabda xarig jarka dhismaha cusub, ayaa sheegay in ay muhiimadiisa koobaad ka mid aheyd dib-u-dhiska, qiimeynta xurumaha Wasaaradda Waxbarashada si ay kaalin wanaagsan uga qaadato gudashada waajibaadka shaqo ee shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada taasi oo gacan ka gaysan doonta in bulshada looga adeego si wanaagsan, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaay Wasiirka Batroolka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xasan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha mudane Maxmamed Aadan Macalin, ayaga oo ku amaanay Wasiirka Waxbarashada dhaxalka wanaagsan ee uu uga tegay Wasaaradda Waxbarashada, ayna uga dayan doonaan Wasaaradaha kale ee dowlada dib u dhiska xurumaha Wasaaradaha.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Caabi Xasan oo hadal kooban jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in mudadii koobneynd ee Wasiirka ay wada-shaqeynayeen uu wakhtigiisa inta ugu badan geliyay dhismaha xaruntaan maadaama Wasiirka laftiisu yahay Engineer wakhti badan kasoo shaqeeyay howlaha dhismaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post