1089 Views

Bangiga Aduunka oo Malaayin Dollar ugu deeqay Soomaaliya

Bangiga Aduunka oo Malaayin Dollar ugu deeqay Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 03, 2019–Kadib kulan ay soo qaban qaabisay hay’adda Bangiga Aduunka ee ka dhacay Magaalada Washington  ee dalka Mareykanka ayaa waxaa Bangiga Aduunka uu lacag mallaayin dollar ah ugu deeqay Soomaaliya,taas oo lagu caawinayo dadka dhibaateysan ee ku sugan Soomaaliya.

 

Shirkaasi waxaa Soomaaliya ku metelayay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa,waxaana uu sheegay in Banmgiga Aduunka uu Soomaaliya u balan qaaday in uu siinayo lacag dhan 65 Milyan oo Dollar.

 

 

 

Waxaa uu sheegay Wasiirka in lacagtaas loogu talo galay daryeelida ama ilaalinta Bulshada gaar ahaan dadka barakacay iyo kuwa dhibaatooyinka kale heysta,isla markaana lacagtaan ay tahay mid Soomaaliya lagu tijaabinayo.

 

Xubnaha Bangiga Aduunka ayuu sheegay inay u balan qaadeen inay sii wadi doonaan taageerada dhinaca Bulshada ah oo ay siiyaan Soomaaliya uuna taasi raja weyn ka qabo.

 

Hay’ado kala duwan oo Caalami ah iyo dalalka Saaxiibada la ah Soomaaliya ayaa horay waxaa ay lacago Mallaayin Dollar ah ugu deeqeen Soomaaliya,kuwaas oo lagu bixinaayo Arrimaha Bulshada,sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo baahida kale oo ay Bulshada qabaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment