1317 Views

Afartameeyo Qof Oo Ku Geeriyootay Diyaarad Ku Burburtay Raashiya

Afartameeyo Qof Oo Ku Geeriyootay Diyaarad Ku Burburtay Raashiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 06, 2019 –Ugu yaraan 41 qof ayaa ku geeriyootay Diyaarad Rakaab oo uu dab qabsaday, xilli ay si degdeg ugu degi lahayd Garoonka caalamiga ee Sheremetyevo oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Mosko.

Shirkadda diyaaradaha ee Aeroflot  ayaa sheegtay in mid ka mid ah Diyaraadeeda uu dab qabsaday, xilii ay si degdeg ah u caga-dhiganaysay Garoonkaasi.

Baarayaasha waxay sheegeen in  ugu yaraan 2 carruur ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday shilkaasi, iyadoo inta badan Rakaabka ka baxeen Albaabadda Gurmadka ee ay Diyaaraddu lahayd.

Mid ka mid ah Rakaabka ayaa sheegay inay biriq ku dhacday Matoorka Diyaaradda, taasi oo keentay inuu Matoorku dab qabsado.

Muuqaalka Diyaaradaasi oo noocoodu ahaa Sukhoi Superjet 100  oo olololeysa ayaa lagu baaahiyey Warbaahinadda, iyadoo ay Kooxaha Dab-damiska ku hawlanaayeen daminta dabkaasi.

Diyaaradda oo ay la socdeen 73 qof oo rakaab ah iyo 5 ka mid ah Shaqaalaha Diyaaradda waxay ka ambabaxday Garoonka Mosko, iyadoo ku sii jeeday magaalladda Murmansk ee Waqooyiga dalkaasi, ka hor inta uusan Duuliyaha si degdeg ah dib ugu so olaabanin Garoonka Mosko, kadib, markii uu arkay inuu dab ka kacay mid ka mid ah Matooradda Diyaaradaasi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment