1584 Views

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland oo beeniyay eedeyn ay jeedisay Xildhibaanad Khadiija

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland oo beeniyay eedeyn ay jeedisay Xildhibaanad Khadiija
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 25, 2018 –Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubaland Cabdi Maxamed C/Ramaan ayaa beeniyay eedeyn ay u jeedisay Xildhibaanad Khadiija Aadan Cabdi oo ka mid ah Baarlamaanka Jubaland.

Xildhibaanad Khadiija ayaa sheegtay in nafteeda ay kala soo baxsatay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose kaddib markii ay handadaad kala kulantay maamulka Jubaland.

Waxaa ay sheegtay in beelaha qaar ee Jubaland aad loo takooro islamarkaana aan la oggoleyn in ay sameyn ku yeeshaan siyaasadda Jubaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland ayaa waxaa uu sheegay in dhamaan eedahaas ay yihiin waxba kama jiraan Xildhibaannada iyo xubnaha kale ee Maamulka Jubaland ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan.

Waxaa uu meesha ka saaray in ay jiraan Beelo si gaar ah loo takooro isaga oo sidoo kale sheegay in Maamulka iyo dadka degaannada Jubaland ay si wadajir ah u shaqeeyaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment