1071 Views

Beelihii ku dagaallamay duleedka Kismaayo oo heshiis horudhac ah gaaray

Beelihii ku dagaallamay duleedka Kismaayo oo heshiis horudhac ah gaaray
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 11, 2020 –Mid kamid ah beelaha dega deegaanada Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo gogol nabadeed u dhigtay beelihii dhowaan ku dagaalamay galbeedka magaalada Kismaayo kaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 100 qof, halka tiro intaa ka badana ay ku barakaceen dhawaacyana ay kasoo gaareen.

 

Munaasabadda Nabadda loogu raadinayay beelaha walaalaha ah ee dhowaan dirirtu ay ku dhex martay galbeedka magaalada Kismaayo ayaa waxaa goob joog ahaa Odayaasha dhaqanka beeshii gogosha dhigtay islamarkaan isku xilqaantay in ay soo afjarto colaadda sokeeye qaar kamid ah, Culumaaudiinka magaalada Kismaayo oo door muhiim ah ka qaatay nabaddaynta beelahan iyo salaadiinta iyo waxgaradka labadii beelood ee ay dirirtu dhexmartay iyo marti sharaf kale.

 

 

Nabadoon Ibraahim Cali Qeyley oo kamid ah waxgaradka beeshii gogosha nabadeed dhigtay ayaa beelaha walaalaha ugu baaqay in ay nabadda qaataan islamarkaana ay ka tanaasulaan colaadda sokeeye ee maalmahan soo noq-noqotay.

 

Nabadoon Cabdullaahi Bile Saciid oo ah mid kamid ah Issimada beelaha ay dirirtu dhexmartay ayaa sheegay in si bilaa shuruud ah ay beeshiisu u qaadatay nabadda islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan nabad-gelyada deegaanka iyo umadda Soomaaliyeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment