1110 Views

Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland oo ku dhaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland oo ku dhaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Jimco: September 10, 2021

 Kulan looga hadlayay Amniga iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Gaallacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada kunool Magaalada Gaalkcyo.

Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Isxal ayaa waxaa ay sheegeen in xilligaan Dadka kunool Gobolka Mudug ay ka gudbeen waqtigii ay cabsi gelin jireen Al-Shabaab.

Waxaa ay siwadajir ah u sheegay inay diyaar u yihiin la dagaalanka Ururka Al-Shabaab, waxaana ay ugu baaqeen Shacabka Gobolka Mudug inay ka qeyb qataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa horay u gaaray heshiis iskaashi oo la xiriira in Ciidamadooda ay siwadajir ah ula dagaalamaan Al-Shabaabka ku sugan degaannada Gobolka Mudug.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post