696 Views

Shiinihii Islaam nacaybka loo haystay oo hadda Kitaabka Qur’aanka u doodaya

Shiinihii Islaam nacaybka loo haystay oo hadda Kitaabka Qur’aanka u doodaya
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 21, 2022

Shiinaha aya eedeyn u jeediyay wadanka Sweden kadib dhacdadii ugu dambeysay ee lagu gubay kitaabka Quraanka ee ka dhacaday Sweden.

“Xoriyada hadalku ma ahan marmarsiyo lagu kiciyo takoor dhaqan ama isir, kuwaas oo bulshada lagu kala qaybinayo” sidaas waxaa yiri Wang Wenbin oo ah afhayeen u hadlaya wasaarada arimaha dibada ee Shiinaha, oo ka hadlayay dhacdadaan oo ay si weyn u cambaareeyeen muslimiinta caalamaka.

“Waxaan rajeyneynaa in Sweden si dhab ah u ixtiraamto diimaha ay aaminsan yihiin kooxa laga tirada badan yahay ee muslinku ka mid yihiin” ayuu yiri Wang, sida aan ka soo xiganay warbaahinta Chinese daily Global Times.

Todobaadkii hore hogaamiyaha kooxda midigta fog Rasmus Paludan ayaa magaalada Linkoping ee Sweden ku gubay kitaab quraan ah. Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in uu kitaabo kale gubi doono.

Turkiga, Sacuudig, iyo wadamado kale oo muslimin ah ayaa cambaareeyay gubitaanka kitaabka quraanka, iyaga oo ku tilmaamay in ay tahay ficil kicin iyo ka xanaajin ah oo ka dhan ah muslimiinta.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka mid ah kuwa sida adag u cambaareeyay dhacdadaan.

Ururuka u dhaqdhaqaaqa Islaamka ayaa sheegay in gubista quraanka ay dadka muslim ka ah ku abuurtay walwal ku aadan Islam-nacayb ka sii badanaya oo ay gadaal ka riixayaan taageerayaasha midigta fog.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post