642 Views

Mareykanka oo ka hadlay go’aanka Erdogan ee ku aadan in Finland iyo Sweden ay ku biiraan Nato

Mareykanka oo ka hadlay go’aanka Erdogan ee ku aadan in Finland iyo Sweden ay ku biiraan Nato
____________________________________________________________________________

Sabti: May 28, 2022

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dalalka Finland iyo Sweden ay ku biiraan gaashaanbuurta Nato marka la gaaro dabayaaqada bisha Juun xilliggaas oo mas’uuliyiinta Nato ay kulan ku yeelaan doonaan caasimadda Spain ee Madrid.

Antony Blinken oo kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Finland , Pekka Haavisto,wuxuu kalsooni ka muujiyay in si deg deg ah loo xallin doono is hor istaaga Turkiga ee ku aadan in Finland iyo Sweden ay ku biiraan Nato.

Wasiirka arrimaha dibadda Finland wuxuu sheegay in dalkiisa uu Turkiga kala hadli doono arrintan si loo xalliyo khilaafka.

Erdogan wuxuu u diidan yahay Finland iyo Sweden inay ku biiraan ururka Nato xilli ay codsadeen, Turkiga wuxuu ku eedeeyay dalalkan inay gabbaad siinayaan waxa uu ku tilmaamay xubnaha ka tirsan argagagixisada Kurdida ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post