972 Views

Baladweyne:Ciidamadii muranka ka dhashay oo loo qaaday Dhuusamareeb

Baladweyne:Ciidamadii muranka ka dhashay oo loo qaaday Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 15 2019 —Wararka laga helayo Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow halkaasi ay ka baxeen Ciidamadii ka tirsanaa Maamulka Hir-Shabeelle ee muranka uu ka dhashay,kuwaas oo Maanta u ambabaxay Magalada dhuusamareeb.

 

Ciidamadaan oo weli tiradooda aan la shaacin ayaa waxaa shalay tababar loogu soo xiray Magalada Baladweyne,waxaana qaadistooda horay u diiday Odayaasha & Waxaradka Magalada Baladweyne,hayeeshee Saraakiil Ciidan ayaa Risaala u xaqiijiyay in Maanta la qaaday.

 

Ciidamada oo Baladweyne looga qaaday Gaadiidka Waaweyn ee Ciidamada Dowladda ayaa waxaa marka hore la geeyay Xerada Ceel-Jaale ee duleedka Baladweyne,iyada oo markii dambe laga sii qaaday.

 

Amarka lagu qaday ciidamadaan ayaa warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen inay bixisay dowladda federaalka Soomaaliya,waxaana Taliyaha guutada 5aad ee qeybta27 aad Faarax Cali Waasege oo shalay la hadlayay boqolaal ka mid ah Ciidankaas ayaa sheegay inu fuli doona amarka dowladda islamarkaana Ciidamada la geyn doono halkii ay dowladda amarto.

 

Lama oga waxa ay yeeli doonaan Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo uu qeyb ka yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah salaadiinta gobolka Hiiraan,kuwaas oo dhowr mar diiday in Ciidamadaas ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle loo qaado Dhuusamareeb.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment