987 Views

C/raxmaan C/shakuur oo lagu casuumay Dood uu soo qaban qaabiyay Aqalka Chatham House

C/raxmaan C/shakuur oo lagu casuumay Dood uu soo qaban qaabiyay Aqalka Chatham House
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 09, 2019–Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka qeyb galaya Dood uu soo qaban qaabiyay Aqalka Chatham House oo ah Machad Caalami ah oo saldhigiisu yahay magaalada London, kaasoo falan-qeeya doodo ku saabsan arrimaha caalamiga.

 

Doodan ayaa la qaban doonaa 15-ka bishan November oo ku beegan Jimcaha soo socda, waxaana lagu casuumay C/raxmaan C/shakuur, waxaana doodan uu cinwaankeedu yahay Hannaanka doorashooyinka Soomaaliya iyo Xiriirka Federaalka (Somalia’s Electoral Road-Map and Federal Relations)

 

Iyadoo Soomaaliya sanadka 2020/2021 ay ku soo fool leedahay doorashooyin ayaa xaalada siyaasadeed ee dalka ay tahay mid aanay xasilooneyn, halka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada uu u dhaxeeyo khilaaf xooggan oo keenay in xiriirkooda uu xumaado.

 

Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan horaanta sanadka 2021 ayaa loo baahan yahay in heshiis siyaasadeed laga gaaro, sida qaabka doorashada, dhameystirka dib u eegista Dastuurka iyo amniga.

 

Dib u heshiisiinta iyo wada hadalada u dhaxeeya dowlada federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah waxay muhiim u noqon doonaan sameynta horusocod dheeri ah oo laga gaaro dhinacyada siyaasada, amniga iyo dib u habaynta dhaqaalaha.

 

Hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee Soomaaliya waxay isu diyaarinayaan isu soo dhawaansho adag oo ay la yeeshaan dhowr xisbi mucaarad oo dhowaan ku biirey sameynta Madasha Xisbiyada Qaranka (FNP), oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

 

C /raxmaan C/shakuur Warsame hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu falanqeyn doonaa kala guurka siyaasadeed iyo arrimaha federaalka Soomaaliya, isagoo ka hadli doona aragtidiisa ku aaddan sida loo hagaajin xiriirka inta badan burbura ee ka dhexeeya xarunta iyo gobollada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment