1305 Views

Shirkii laascanood oo furmay & Guddi looga dhawaaqay

Shirkii laascanood oo furmay & Guddi looga dhawaaqay
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 15, 2021–Magaalada laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa Maanta oo Arbaco ah ka furmay shir looga hadlayo dilalka iyo falalka amni darro ee kusoo batay magaaladaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata Soomaliland.

Shirka oo ay soo qaban qaabiyeen Odayaasha & waxgaradka Magaalada laascaanood ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii wax looga bedeli lahaa xaaladda magalada laas-caanood oo dad farabadan lagu dilay.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid ah Dhaqanka Gobolka Sool ayaa ku dhawaaqay Guddi ka kooban 45 Xubnood, kuwaas oo loo qeybsaday Beelaha dega Magaalada laascanood.

Garaadka oo Shirka ka hadlay ayaa sheegay in Xubnaha Guddiga ay kulmi doonaan Maalinta berito ah, isla markaana wixii ay soo go’aamiyaan oo ah dagaal ama Nabad ay ku dhaqaaqi doonaan.

Qaar kamid ah odayaasha Dhaqanka Magalada laascaanood ayaa iyana kulanka ka hadlay, iyaga oo sheegay in aan la aqbali Karin in maalin walba dad la iska dil, isla markaana aan wax leyska weeydiin.

Magaalada laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ku batay dilal qorsheysan ee loo geysanayo mas’uuliyiinta & dadka Shacabka ah, iyada oo dilkii ugu dambeeyay loo geystay Cabdirsaaq Gardoofe oo ka tirsanaa Golaha degaanka Magaalada laascaanood.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post