1488 Views

Xilliga la diiwaangelinayo Musharrixiinta Afar kamid ah kuraasta Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay

Xilliga la diiwaangelinayo Musharrixiinta Afar kamid ah kuraasta Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOL|Axad: December 12, 2021—Guddiga Maamulaya  Doorashada Gobolada waqooyi  ee Soomaaliland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa au  shaaciyeen xiliga la diwaangali naayo musharrixiinta iyo ergada Afar kursi oo dhawaan doorashadooda la qabanayo.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Maalinta Berito ah la bilaabi doono diiwaangelinta Musharrixiinta iyo Ergada ilaa laga gaaro 16-ka Bishaan, , sidoo kalena Ergada tababar ku saabsan howlaha doorashads loo furi doono.

Kuraasta doorashadooda dhawaan la qabanayo balse Maalinta Berito ah la bilaabayo diiwaangelinta musharrixiintooda ayaa waxaa ay kala yihiin.

Hop229 oo uu ku fadhiyo Cusmaan  Cabdullaahi Ducaale.

Hop262 oo ay ku fadhido Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan

Hop254  oo uu ku fadhoyo Jaamac Maxamed Askar

Hop255 oo uu ku fadhiyo Axmed Maxamuue Maxamed.

Go’aankaan kasoo baxay Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa ka dambeeyay kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu xaliyay mad madowgii hakadka ugu jirtay doorashada ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed & Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Caashi Cabsillaahi.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post