687 Views

Shacabka Kenya oo aad uga Carooday Muqalkii Shabaab ay baahiyeen ee Weerarkii hotelka DusitD2 magaalada Nairobi 2019

Shacabka Kenya oo aad uga Carooday Muqalkii Shabaab ay baahiyeen ee Weerarkii hotelka DusitD2 magaalada Nairobi 2019
____________________________________________________________________________

Ururka Al-Shabaab ayaa aahiyey markii ugu horreysay magacyada iyo muuqaallada raggii sanadkii hore ee 2019-kii weeraray hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, halkaas oo lagu dilay 21-qof.

Warbaahinta taageerta Ururka ayaa baahisay muqaallo iyo sawirro laga qaaday kooxda intii aysan qaadin weerarkaas oo socday saacado badan, isla markaana lagu dilay dad badan.

Shan dagaalame ayaa fuliyey weerarkaas sida ku cad muuqaallada iyo sawirrada ay soo bandhigtay kooxdu, sidoo kale xogtan waxaa lagu shaaciyey magacyadii xubnahaas, waxayna kala ahaayeen, Cali Saalim Gichunge Abu Sakeena, Cusmaan Axmed Xasan Azzam, Maahir Khaalid Riziki Jibril/Simba, Muxammad Aadan Nuur Farxaan Yare iyo Cabdiqani Carab Yuusuf Farxaan Dheere.

https://youtu.be/yiEtc9vBczw
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post