615 Views

Heesaaga caanka ah Justin Bieber oo shaaca ka qaaday in uu dareemayo in neerfaha wejigiisa dhinac kamid ah ay istaageen

Heesaaga caanka ah Justin Bieber oo  shaaca ka qaaday in uu dareemayo in neerfaha wejigiisa dhinac kamid ah ay istaageen
____________________________________________________________________________

Sabti: June 11, 2022

Heesaaga caanka ah ee Justin Bieber ayaa shaaca ka qaaday in uu dareemayo in neerfaha wejigiisa dhinac kamid ah ay istaageen , kadib markii uu joojiyay bandhigiisa dhici lahaa todobaadkan.

28-jirkan ayaa muuqaal uu soo dhigay Instagram-ka ku sheegay in xaaladdan ay ka dhalatay cudurka “Ramsay Hunt syndrome”oo laga helay.

“Sida aad arki karto ishani ma libiqsoomayso, kuma dhoola cadeyn karo dhankan wejigayga… Marka dhankan wajigeyga curyaannimo buuxda ayaa ka jirta,” ayuu yiri.

Ramsay Hunt Syndrome waa marka “shingles” dillaaco oo uu saameeyo neerfaha wejiga ee u dhow dhegaha , ayay yiraahdeen khubarada caafimaadka.

Waxa uu waydiistay taageerayaashiisa in ay samraan,waxana uu sheegay in ay “, iska cadahay, in aanu awood u lahayn in uu bandhigyo sameeyo”.

Bieber waxa uu intaa ku daray in uu samaynayey jimicsiga wajiga si uu “si caadi ah ugu soo laabto”, balse aanu garanayn inta ay qaadanayso in uu soo kabsado.

Bishii Maarso, xaaska heesaagan, Hailey Bieber, ayaa la dhigay isbitaal.

Waxay markii dambe sheegtay in uu istaroog ku dhacay oo lagu sameeyay qaliin lagu xiray dalool ku yeelay wadneheeda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post