882 Views

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo si weyn u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday banaanbaxyada

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo  si weyn u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday banaanbaxyada
____________________________________________________________________________

 Feb: 20/2/2021

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareeyey weerarkii lagu qaaday banaanbaxyada ay soo abaabuleen, iyagoo mas’uuliyadda wixii Muqdisho ka dhacay ku  eedeeyey madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dawladda federaalka.

“Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweyne waxay si xooggan u cambaareeynayaan gaboodfalkii wuxuushnimada ahaa oo ay dawladda waqtigeedu-dhamaaday si sharci darro ah ku weerartay goob ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta kuna hor-istaagay banaanbax nabadeed oo dastuuri ah oo la qaban lahaa maanta oo ahayd Jimce, bisha February 19keeda kana dhici lahaa magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Midowga Musharaxiinta.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Goluhu wuxuu eedda gaboodfalkaas sharci daradda ah dusha ka saarayaa Madaxweynaha-waqtigiisu-dhamaaday Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Waa dambi aad u fool xun in Madaxweyne-hore Farmaajo isticmaalo ciidan isaga ka amar qaata in ay u maquuniyaan shacabka Soomaaliyeed, uguna takri falo awoodda dalka.”

“Waxaan shaki ku jirin in fal dambiyeedkaas lagula xisaabtami doono Madaxwene-hore Farmaajo iyo cid kasta oo ku gacan siisay ku tumashada sharciga iyo waxyeeleeynta karaamda, sharafta iyo xorriyada shakhsiga Soomaaliyeed.”

“Golaha Midowga Musharaxiinta waxay hore u aaminsanaayeen haddana u caddaatay in Madaxweyne-hore Farmaajo uusan nabad iyo xasillooni u rabin dalka, daacadna ka ahayn in uu galo doorasho loo siman yahay. Waxay Madaxweyne-hore Farmaajo maaweeliyeyaashiisa siyaasadeed iyo hawadiisa beenta ah tustay in uu awoodda dalka xoog ku haysan karo, sharci darrona ku sii joogi karo.”

“Goluhu wuxuu joogteeyn doonaa banaanbaxyada Dastuuriga ah si shacabka ay u muujiyaan rabitaankooda iyo in dalkaan aysan ka abuurmin diktatooriyad.”

Ugu dambeyntii Qoraalka midowga musharaxiinta ayaa lagu yiri, “Goluhu wuxuu u arkaa Madaxweynaha-waqtigiisa-dhamaaday in uu yahay dambiile qaran, uusan sinnaba qeyb uga noqon karin xal u helidda siyaasadda kala guurka ah, loona diido in uu ka qeyb qaato doorashada sida uu qabo Dastuurka-ku-meel-gaarka ee qaranka.”

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post