270 Views

Dardargelinta iyo sare u qaadidda dakhliga Caasimadda oo laga shiray

Dardargelinta iyo sare u qaadidda dakhliga Caasimadda oo laga shiray
____________________________________________________________________________

Axad: February 12, 2023 

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud ayaa kulan la qaatay dhamaan Agaasimaha Guud ee Maaliyadda, Agaasime Waaxeedyada iyo waaxyada kala gedisan ee dakhliyada Gobolka Banaadir.

Kulankaan ayaa lagu gorfeeyay halka ay mareyso xaalladda dakhli-aruurinta Gobolka iyadoo halbeegu ahaa misaniyada sannadka. Waxaa kale oo lagu wadaagay kullankan caqabadaha jira ee hakin kara dhakliga la qorsheeyey in ay soo xeroodaan iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Ugu dambeyn Guddoomiye Ciise ayaa ku bogaadiyey mas’uuliyiintii kulankan ku sugnaa in ay sii laba-laabaan dadaalkooda shaqo, si loo gaaro miisaaniyada sannadka 2023.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post