576 Views

Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo gudbiyay dacwad ka dhan ah Xildhibaanno

Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo gudbiyay dacwad ka dhan ah Xildhibaanno
____________________________________________________________________________

.

Axad: September 19, 2021

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle ayaa Guddoonkooda ay gudbiyeen dacwad ka dhan ah Xildhibaanno buuq ka dhex sameeyay xaruntooda xili ay socotay doorashada kursiga UH #14 ee Aqalka Sare.

Siraaji waxa uu ku hanjabay in Xildhibaannadaas la marin doonno ciqaabta ku xusan Xeer-hoosaadka u yaalla maadaama ay sabab u noqdeen dib u dhigista doorasho socotay sida uu hadalka u dhigay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle.

“Saddex Xildhibaan oo kamid ah Xildhibaannadii codeynayay ayaa sameeyay qaab anshax darro ah, Dacwaddooda waxaa loo diray sharciga oo ah meesha lagu kala baxo, xeer-hoosadka inoo yaalla wixii ku qoran ayaa lagu qaadayaa” ayuu yiri Siraaji Sheekh isxaaq.

Kursiga Doorashadiisa buuqa awgii lagu kala tagay waxaa ku tartamayay 1-Cali Shacbaan Ibraahim, 2-Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, 3-Cabdullaahi Axmed Tawaad, 4-Caasho Xuseen Abuukar & 5-Cabdalle Cabdi Xuseen.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle ayaa sheegay in maanta la dooranayo Kursiga 6-aad ee Doorashadiisa buuqa baajiyay, inkasta oo aanay sheegin in Xildhibaannaddii Buuqaas sameeyay ay ka maqnaanayaan & in kale.

Maanta ayuu qorshuhu yahay in la dhammeystiro doorashada Senatarada Aqalka Sare BFS qaybta kasoo galeysa Dowlad-Goboleedkaas sida uu shaaciyay Guddiga Doorashada u qaabilsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post