768 Views

Puntland oo diiwaangelisay kiisas Cusub oo Coronavirus

Puntland oo diiwaangelisay kiisas Cusub oo Coronavirus
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 07 2020–Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaaciyey natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,kuwaas oo baaritaan lagu sameeyey,isla markaana qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

Guddiga wacyigelinta iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Puntland ayaa sheegay in la baaray 23 Ruux balse Cudurka laga helay 13 kamid ah oo kala ah 11 Rag ah iyo laba Dumar ah.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in dadka Cudurka Coronavirus laga helay ay kala joogaan Saddex kamid ah Magaalada Weeciye ee Gobolka Bari halka 10 kalena ay joogaan Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Puntland ayaa waxaa ay ilaa iyo haatan gaarayaan 51 Ruux hal dhimasho ah iyo qof ka Caafimaaday.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan ayaa shalay sheegay in Cudurka COVID-19 uu kusii fidayo deegaannada Puntland,isla markaana ay jiraan qaar badan oo cudurka qaba balse aan la ogeyn.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment