687 Views

Dowladda Soomaaliya oo eedeyn kulul u jeedisay Dowladda Kenya

Dowladda Soomaaliya oo eedeyn kulul u jeedisay Dowladda Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 26, 2021—Dowladda Soomaaliya ayaa ku edeysay dowladda Kenya in maleeshiyaad ay soo hubeysan inay soo weerareen degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo habeen hore iyo shalay ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda ay geysay gobolka Gedo iyo kuwa Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkii ka dhacay Beled-Xaawo ay si geesinimo leh ay isaga difaaceen Ciidamada dowladda, isla markaana halkaasi ay  ku beenoobay gardarradii iyo damaacigii qaawanaa ee Dowladda Kenya ay ku doonaysay inay si aan toos ahayn u maamusho qayba ka mid ah dalka Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddaynaysaa in ay maleeshiyo ay soo hubaysay Dowladda Kenya xalay weerar qaawan kusoo qaadeen Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa si geesinimo iyo wadaninimo ku jirto weerarkaas uga hortagay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana halkaas ku beenoobay gardarradii iyo damaacigii qaawanaa ee Dowladda Kenya ay ku doonaysay inay si aan toos ahayn u maamusho qayba ka mid ah dalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa isku daygaan fashilmay oo ay dabada ka wadday, soona qorshaysay Dowladda Kenya. Isku dayada noocaan oo kale ah waxay kasoo horjeedaan nabad ku wada noolaanshaha waddamada deriska ah iyo  sharciga adduunka labadaba. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xornimada, midnimada iyo qaranimada.

“dib baan idinkala soo socodsiin doonaa wixii soo kordha”

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post