636 Views

Al Shabaab oo weerar ku qaaday duleedka Kismaayo..

Al Shabaab oo weerar ku qaaday  duleedka Kismaayo..
____________________________________________________________________________


Talaado: September 14, 2021

Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab, dagaal socday ku dhawaad hal saac qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka magaaladda Kismaayo, oo xarunta KMG Jubbaland.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar gaadmo ahaa, oo xubno katirsan AlShabaab kusoo qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidanka Dowladda Faderaalka iyo kuwa Jubbaland ee ka howlgala Jubaland.

Waxay sheegeen in dagaalka ay ku dileen dhowr dagaalyahan, islamarkaana ay nolosha ku qabteen tiro kale oo qeyb ka ahaa weerarka. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab.

Weeraka wuxuu ka dhacay Saldhiga Ciidanka Jubbaland, ee degaanka Cabdalla-Biroole oo ku dhaw magaaladda Kismaayo, halkaasoo mudooyinkii dambe Al-Shabaab beegsi ku haysay.

Dagaalka ayaa imaanaya xili dhawaan Jubbaland shaacisay in ay diyaarisay duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, si ay uga saaraan degaannada iyo degmooyinka ay ka heysato maamulka.

Degaanada dhaca duleedka Kismaayo, sida Cabdalla-Biroole, Baar-Sanguuni iyo Janaay Cabdalla waxaa ku sugan Ciidamo isagu jira DF, Jubaland iyo askar Ameerikaan ah oo ka caawinaya dhanka qorsheynta howlgallada iyo sirdoonka.

Jubbaland ayaa waxaa ka maqan gacanteeda hal gobol oo ah Jubbada Dhexe, kaasoo Al-Shabaab mudo dheer ka talinaysay, waxaana ku sugan gobolkan sida ay sheegeen inta badan hogaamiyeyaasha Al Shabaab.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post