1026 Views

Taliyaha militariga Kenya oo si kulul uga hadlay go’aankii maxkamada ICJ ee badda Soomaaliya

Taliyaha militariga Kenya oo si kulul uga hadlay go’aankii maxkamada ICJ ee badda Soomaaliya
____________________________________________________________________________


Khamiis: November 4, 2021

Taliyaha militariga dalka Kenya Janaraal Robert Kariuki Kibochi ayaa sheegay in guulo la taaban karo ay militariga Kenya guulo ka gaareen howlgalkii loogu magac-daray ‘difaaca dalka’ ee ay ku galeen soomaaliya toban sano kahor.

Mr Kibochi ayaa sheegay in ay hoos u dhigeen halista Kenya kaga imanaysay Al-Shabaab.

“Waxaan howlgalka ‘difaaca dalka’ aan qaadnay 14 october 2011 , muddo 6 bilood ah ka dib u jeedadeenii waan gaarnay,” ayuu yiri Janaraal Kibochi.

Waxaa uu intaa ku daray in ujeedadii ay Soomaaliya u galeen ay ahayd in ay ka hortagan khatartii Kenya uga imanaysay ururla Al-Shabaab.

“Ujeedada xilligaasi aan Soomaaliya u galnay waxay ahayd anaga oo ka jawaabayna daandaansigii Al-shabaab,” ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha militariga dalka Kenya Robert Kariuki Kibochi oo wareysi gaar ah siinayay telefishinka maxaliga ah ee Citizen ayaa xusay in Kenya markii ay Soomaaliya galeysay ay difaacaysay madaxbanaanideeda.

Taliyaha militariga dalka Kenya ayaa farta ku fiiqay in goobaha ay ka saareen Al-shabab ay imika amni yihiin, isaga oo tusaale u soo qaatay magaalada Kismaayo.

“Haddii maanta aad booqato ciidamadeen Kismaayo ma rumeysanaysid, sababtoo ah nolasha ka jirta Kismaayo. Ganacsi badan ayaa ka socda, kama jirto khatar Al-shabaab sababtana waa Amisom oo aan annaga qeyb ka nahay,” ayuu yiri Janaraal Kibocha.

Mr Kibicho ayaa dhanka kale sheegay in uu jiro qorsho dib u habeyn loogu sameynayo howlgalka Amisom ayna diyaar u yihiin in ay qeyb ka noqdaan.

“Soomaaliya ma jirto nabad la ilaaliyo sidaasi daraadeed waxaad u baahan tahay ciidamo doonaya in ay hor istaagaan halista ka imanaysa Al-shabaab,” ayuu yiri Janaraal Kibochi.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in xitaa haddii dib u habeyn lagu sameeyo Amisom wali dalalkii qeybta ka ahaa howlgalka Amisom aan laga maarmi doonin.

“Shanta dal ee imika qeybta ka ah Amisom Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi, dalalka waa kuwa muujiyay rabitaan ay kula dagaalamayaan Al-shababb sida aan rumeysnahay dalalkan wali waa kuwa muhiim u ah isbadalka lagu sameynayo Amisom,” ayuu intaa ku daray.

Isbadalka awoodda Al-shabaab

Taliyaha ciidamada militariga Kenya Robert Kariuki Kibochi ayaa sidoo kale xusay in weerarkii Ceel-cade ay wax badan ka barteen islamarkana markii hore ay dhayalsadeen halista Al-shabab.

“Waxaan ka barannay casharro badan sababtoo ah markii aan ku biirnay Amisom, halista miinooyiinka dhulka la galiyo ma ahayn mid weyn, waan ogeyn in Al-shabab ay miinooyiinka ayku aasaan waddooyinka, laakiin mida aanan xilligaa ogeyn waxay ahayd in al-shabab ay dhiseen awood taas ka sareysa miinooyin oo ah in gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay la jiirsiiyo xero,” ayuu yiri Mr Kibochi.

Waxaa uu sheegay in al-shabab awooddooda ay wax badan iska baddaleen islamarkana “ay imika isticmaalaan diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka ah, kuwaasoo ay kula socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada”.

“Al-shababtii aan naqaanay ee miinooyiinka dhigi jiray, hadda Al-shabab waxay isticmaalaan drones-ka taa micnaheedu waxay tahay inay la socon karaan xarumaheenna, casharka aan ka baranay-na waxaa uu yahay inaan isticmaalno hubka lidka dronis-ka,” ayuu yiri.

Taliyaha ciidamada militariga Kenya oo dhanka kale su’aal laga waydiiyay go’aankii maxkamada ICJ ee murankii badda ayaa sheegay in ay tahay in arintan laga wada hadlo.

“Waxaan rumeysnahay in arintan ay tahay in laga wada-xaajoodo sababtoo ah xuduud soo jirtay sanado badan marka inta uu qof iska yimaado uu yiraahdo halkan ma aysan mareynin (xuduudda) taasi ma aha wax la aqbali karo waana halkaas meesha khadka cas ah. Kenya waxaa iska leh dadka reer Kenya, mana jirto cid aqbalaysa in qeyb ka mid ah la gooyo, marka waa in wadahadallada ay sii socdaan xitaa ka dib markii uu go’aanka soo baxo, sababtoo ah waa arrin muhiim ah oo ay tahay in ay sii socoto,” ayuu yiri taliyaha militariga Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya.

Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post